DFS oo xoojisay howlgallada ka dhanka ah AS ee Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe sida looga hortago is uruursiga ay halkaas kawadaan.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhacay howlgallo isugu jiray duqaymo iyo kuwo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee Federaalka & Dalalka ka caawiya dhinaca weerarrada cirka ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa todobaadkaan kordhiyay ciidamada Federaalka ee ka howlgallaya Gobolka Shabeelaha Dhexe si loo durjiyo culayska ‘AS’ ay saareen deegaanno muhiim ah oo katirsan Gobolkaas.

Ujeedka ‘AS’ ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii ay u kala jari lahaayeen Ciidamada isku xiran ee ka kala howlgallaya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo Dowladda Federaalka xooggeeda isugu gaysay sidii waddooyinkaas ay ugu sii furnaan lahaayeen.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Faahfaahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

Read Next

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in la xirayo qof weliba oo ka shaqeeya kicinta Dadka