Dubai: Shaqaale Garoon diyaaradeed oo dib u celin wajahaya markii uu xaday 2 Cambe

Maxkamad ku taalla Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay shaqaale ka shaqeynayay Garoonka diyaaradaha Dubai una dhashay Hindiya ku xukuntay dib u celin markii lagu soo eedeeyay in uu xaday labo Xabbo oo Cambe ah.

Ninkan oo 27 jir ah ayey sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay in uu bixiyo $2,000 oo Ganaax ah sidoo kalena dhameysto saddex bilood oo Xabsi ah.

Waxaa lagu helay in falkaasi uu ku kacay 11kii August 2017, sanad kaddib April 2018 ayaa ayaa looga yeeray Maxkamadda kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay Kaamirooyinka CCTV-ga loo yaqaan.

Waxaa uu Maxkamadda u sheegay in uu ka shaqeynayay Terminalka 3aad ee Garoonka diyaarada Dubai markii uu Oon qabtay, isaga oo biyo raadinayana uu Cambaha arkay sidaasna ku xaday.

Maxkamadda ayaa siisay 15 maalmood oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka ku dhacay,waxaana aad u hadal haya warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta.

Isha: Khaleej Times

 

News Editor

Read Previous

Shir u dhaxeeya QM iyo Waddamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Read Next

Dagaal u dhaxeeya Al-shabab iyo Ciidamo Mareykan ah oo ka socda Balli Doogle