Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Balli-Doogle iyo kuwa AL-shabaab uu ka socdo halkaas.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan AL-shabaab ay qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli Doogle oo ay hadda degganyihiin Ciidamo Mareykan ah.
Al-shabab oo durba sheegatay weerarka Balli-doogle ayaa waxaa ay sheegeen in Gaadiid laga buuxiyay waxlaha qarxa uu ku billowday dagaalkaas islamarkaana ay ilaa hadda dagaallamayaan dhinacyada isku haya Xerada Balli Doogle.
La soco wixii soo kordha
