Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo baadigoobka Bisha Shawaal (Soonfur)

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaallo ay ku baadigoobeyso  Bisha Shawaal (Soonfur), iyada oo sheegtay in qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin    baadi goobka bilashada bisha Shawaal.

War qoraal oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu yiri, “Warbaahinta Qaranka waxaa diyaar ku ah masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga baadi goobka bilashada bisha Shawaal”.

Dhinaca kale, dowladda Sacuudiga ayaa billaawday raadinta Bisha Soonfur, halka dalalka Australia, Malaysia iyo Indonesia ay sheegeen in ay maalinta Isniinta Ciidi doonaan.

Guud ahaan dalalka Islaamka waxaa laga wadaa dedaallo lagu raadinaayo bilashada Bisha Shawaal, iyada oo aan weli war rasmi ah la shaacinin.

La soco waxii ka soo kordha..

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sacuudiga oo diyaariyay goobaha lagu tukanayo Salaadda Ciidda

Read Next

Maalinta 1aad ee ciidul-fitriga & dabbaaldegga ka socda Dalka