Dowladda Soomaaliya oo kahortagtay weerar ‘AS’ la damacsanayd Muqdisho

War kasoo baxay Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir uga hortageen weerar ‘AS’ u adeegsan rabtay Hoobiyeyaal oo lagu beegsan rabay qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho sida hadalka loo dhigay.

Howlgalkaan waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo Deegaanka Maracade ee jiho ahaan uga beegan dhinaca Koofureed ee Degmadaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay Booliiska Gaarka u tababaran ee Haramcad.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in iska hor imaad uu dhexmaray Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo xubno katirsan ‘AS’ ee fulinayay weerarkaas, si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada howlgallada kawada Gudaha Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, waxa ay marar kala duwan soo bandhigtay natiijada kasoo baxday howlgalladaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Puntland oo xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug

Read Next

Shiinaha oo Ganaax lacageed dul dhigaya Dadka aan waxbaran ee wax falanqeeya