Shiinaha oo Ganaax lacageed dul dhigaya Dadka aan waxbaran ee wax falanqeeya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa soosaartay amar ka dhan ah Dadka aan waxbaran ee falanqeeya Dhaqaalaha, Caafimaadka & Mowduucyada Bulshada Muhiimka Ah, waxa ay Xukuumadda Beijing sheegtay in dadkaas laga qaadayo ganaax lacageed oo dhan $14,000

Shiinaha ayaa dadka caanka ah ee Bulshada ku dayato ku xirtay in ay Shahaado ka haystaan waxyaabaha ay falanqeynayaan isla markaana, haddii taasi ay dhici wayso waxaa lagu ganaaxi doonnaa lacag sida hadalka loo dhigay.

Tallaabadaan waxa ay sidoo kale meel adag ku xiraysaa dadka ka ganacsada Online-ka ee leh hal abuurka Ganacsi balse aanay haysan Shahaadada Waxbarashada maadaama Dowladda Shiinaha ay lacag adag ku ganaaxayso.

Shiinaha waxa uu kamid yahay Dalalka horumarka ka sameeyay dhinaca Teknoolajiyadda, Dadka Dalkaas waxa ay fursado badan ka helaan suuqyada Online-ka oo lacago badan ka sameeyaan sida xogaha muujinayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo kahortagtay weerar ‘AS’ la damacsanayd Muqdisho

Read Next

In ka badan 5 kun oo Tahriibayaal Soomaali ah oo sanadkaan galay Yurub