Dowladda & Mucaaradka oo loogu baaqay in ay dib ugu noqdaan Miiska Wadahadalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Bulshada Rayidka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka loogu baaqay in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka kana tanaasulaan waxyaabaha caqabadda siyaasadeed dhalinaya.

Bulshada Rayidka ayaa taageertay hannaan weliba oo looga fogaanayo xasilooni darro siyaasadeed iyada oo bogaadisay dhabbe weliba oo lagu gaari karo wadahadal iyo isu tanaasul si la isaga fahmo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay.

SONSA ayaa intaas ku dartay in marweliba uu sii jiro khilaafka siyaasadeed ay sii kordhayaan caqabadaha dalka dib u dhigaya sida nabadgalyo darro, Is aaminaadda oo meesha ka baxda iyo faragelin shisheeye sida hadalka loo dhigay.

Baaqa Bulshada Rayidka ayaa lagu xoojiyay in diiradda la saaro wadahadallada ku foorara Doorashooyinka Dalka oo hannaanka loo marayo iyo qaabka lagu gaarayo ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka & Mucaaradka.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Bulshada Rayidka:

Arrintaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo dhowaan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka heerka Federaal, waxaana soo dhaweeyay Xukuumadda halka xubnaha Mucaaradku ay kahor yimaadeen jadwalkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Doorashada Guddoomiye & labadiisa Ku xigeen

Read Next

Shariif Sheekh Axmed oo Dacwad ka dhan ah Wax ka baddelka Dastuurka Dalka gudbiyay