Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Doorashada Guddoomiye & labadiisa Ku xigeen

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa ee Golaha Wakiillada Maamulkaas iyada saddexdaas xil ay u tartamayaan afar musharrax.

Sida uu shaaciyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galudug waxaa ku tartamaya labo musharrax oo ka kala socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP & Ururka SINCAD.

Labada ku xigeen ee Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa loo diiwaangeliyay min musharrax oo ma jiraan dad kula tartamaya waxaana ay ka socdaan Xisbiga helay Kuraasta ugu badan ee Golahaas ee Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Galmudug ayaa maanta yeelanaya Guddoomiyihii 6aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, waxaana marka doorashadu dhacdo kaddib loo gudbi doonnaa qaban-qaabinta Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Maamulkaas.

Halkaan ka aqriso Musharrixiinta uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka:

May be an image of ticket stub and text

La soco natiijada kasoo baxda

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Tunisia oo wajahaysa Kacdoon Dhaqaale oo Shacabku wadaan

Read Next

Dowladda & Mucaaradka oo loogu baaqay in ay dib ugu noqdaan Miiska Wadahadalka