Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump
Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka kubadda cagta ee da’yarta, kaddib markii uu rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaaday xulka Rwanda.
Ciyaarta oo ka tirs ahayd wareegga afar-dhamaadka tartanka ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro 1-1 ah, taas oo keentay in labada xul ay rigoorayaal isku mariyaan si loo kala saaro.
Xulka Soomaaliya, oo loo yaqaan Ocean Stars, ayaa guushan ku xaqiijistay booskiisa finalka, halka Rwanda ay tartanka ka hartay.
Guusha ayaa Soomaaliya u abuureysa fursad ay mar kale ugu guuleysato tartankan, kaddib markii ay koobka hore u qaadday sannadkii 2022.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine, ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda xulka, iyaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo sida ay u mataleen dalka.
Xulka Soomaaliya ayaa finalka 19-ka Oktoobar la ciyaari doona xulka Uganda, kaas oo isna booskiisa kama dambaysta ah ku xaqiijistay guushii uu ka gaaray Itoobiya.
Mustaqbal
