Dowladda Imaaraadka Carabta oo la sheegtay in ay kordhisay 70 boqolkiiba dahabka ay ka qaadaneyso Suudaan

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay kordhisay 70 boqolkiiba dahabka ay ka qaadaneyso gudaha dalka Suudaan, tillaabadaasi oo walaac laga muujiyay.

Hay’adda Swissaid oo fadhigeedu yahay dalka Swizerland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kordhiyay dahabka uu ka daabulayo dalka Suudaan, taas oo kor u qaadaysa walaaca dagaalka sokeeye ee ka socda dalkaasi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadku sanadkii 2024 helay 29 tan oo dahabka Suudaan ah, marka la barbar dhigo 17 tan sanadkii 2023, taasi oo muujineysa farqi wayn oo sannad kasta sii kordhaaya.

Hay’adda Swissaid, oo adeegsatay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Imaaraadku yahay dalka ugu weyn ee adduunka ee Afrika ka dhoofsada dahabka, iyagoo  guud ahaan sannadkii 2024 helay 748 tan, taasi oo ah  koror gaaraya 18% marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay.

UAE ayaa haatan ah dalka labaad ee ugu weyn adduunka ee soo dejista dahabka, kaddib Switzerland.

Warbixinta ayaa ku tilmaantay Imaaraadka xarun caalami ah oo lagu kala iibiyo dahab laga keeno meel asal-shaki leh, iyadoo la rumeysan yahay in qayb ka mid ah dahabkaas uu ku lug leeyahay dhaqaalaha dagaalka ee ka socda gudaha Suudaan.

Dagaalka dalka Suudaan ka socda tan iyo 2023 ayaa sababay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn Afrika, iyadoo malaayiin qof barakacayaal noqdeen.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u diiday eedeymaha sheegaya inay hub siiso ciidamada taageerada degdega ee ku dagaallamaya gudaha Suudaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Wasiiradda Puntland oo soo saarey go’aanno ka hor imaanaya Nidaamka E-visa iyo Kaarka NIRA

Read Next

Degmada Howlwadaag oo ku guullesatay koobka degmooyinka gobolka Banaadir