Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?
Diyaaradaha Duulliye la’aanta Mareykanka (Drones) ayaa markale duqeyn ka fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Xuddur xarunta Gobolka Bakool oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan DG Koofur Galbeed.
Wasaaradda Amniga DG Koofur Galbeed ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay dhowr jeer la duqeeyay Deegaanno hoostaga Degmada Xuddur & kuwa ka fog waxaana lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab sida ay ku warrantay Wasaaradda.
“Diyaaradaha ayaa duqeeyay Deegaannada Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne & Moorogaabey oo Dhamaan tooda katirsan Gobolka Bakool ayaa la duqeeyay waxaana lagu dilay xubno katirsan Argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka” Sidaasi waxaa lagu yiri War kooban oo ay soosaartay Wasaaradda Amniga DG Koofur Galbeed.
Mareykanka ilaa haatan kama uusan hadlin duqeymaha joogtada ka noqday Gobolka Bakool, sidoo kale waxaana jirin war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo inta badan wadajir usoo saaraya Warbixinta Weerarada duqeynta u badan.
Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo 16-cishe kahor tagay Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa ku dhawaaqay howlgal go’doonka looga qaadayo degmooyinka Gobolkaas kadib markii Al-Shabaab diiday in Gaadiidka badeecadaha wada ay galaan.
Mustaqbal.
