Dibadbax ka dhacay magaalada Nairobi

In ka badan 10 ruux ayaa geeriyooday, ka dib markii dibabaxyaal carreysan ay isugu soo baxeen  waddooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Dadkaan ayaa xusaayay sannad-guuradii weerarkii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, waxaana ay isku dhaceen Ciidanka Booliiska.

Dibadbaxyadii sannadkii hore ayaa ka dhashay caro ay dhalinyarada ka muujiyeen kororka canshuuraha iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, taas oo horseeday mudaharaadyo baahsan.

Intii ay socdeen, ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay, arrintaas oo kicisay dood culus oo ku saabsan isticmaalka xoogga xad-dhaafka ah ee ay adeegsato booliska.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo xukunka qabtay sannadkii 2022, ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira musuqmaasuq, hoos u dhaca dhaqaalaha, iyo xarigga dadka dhaliila siyaasaddiisa.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka oo ka wada hadlay nabadda Caalamka

Read Next

Axmed Madoobe iyo Deni oo heshiis gaarey