Dibadbax Dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Degmada Baardheere.

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in rabshado u dhaxeeyay Dad ka careysan Gudoomiye Cusub oo Degmada Loo Magacaabay iyo Ciidamada Itoobiya.

Qof kamid ah dadka degmada ayaa Mustaqbal u sheegay in 4-ruux ay geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen 6-kale, kadib rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiya.

Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si loogu daweeyo, waxaana wararka ka imaanaya Baalrdheere ay inta ku darayaan in ay taagan tahay Xiisad ka dhalatay rabshadda.

Is qab-qabsi u dhaxeeya Beelaha Degmada ayaa loo sababeynayaa in Rabshadaha lagala hortagay Gudoomiyaha Cusub.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayay Wararku sheegayaan in Gudoomiyaha Cusub ay geeyeen Xarun ay sugaan Ammaankeeda.

Cali Yacquub Nuur oo kamid ah Odoyaasha Dhaqanka Baardheere oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Xiisadda ka dhalatay Magacaabista ay ugu darantay Dadka Dhimashada iyo Dhaawaca loo geystay.

Ciidamada Dowladda ayuu sheegay Nabadoonka in ay ku baxeen daminta Xiisadaan, iyaga oo Ciidamada Itoobiya kala hadlaya sidii aan ugu qayb noqon Xiisadda dhanka Maamulka ah ee Degmada ka jirta.

Mustaqbal media

Read Previous

waxgarad shil ku galay wadada xariirisa Guriceel iyo Balanbal

Read Next

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Galgaduud.