Dhallinyarada Kenya waxa ay cabasho ka yihiin dhibaatooyin dhaqaale, shaqo la’aan xooggan ayaa haysata gaar ahaan dadka da’doodu u dhaxeysa 18 ilaa 34 sano sida lagu sheegay daraasado baaritaan oo lagu sameeyay arrintaan.
Xogaha ayaa muujinaya in dalka kenya oo fursado dhaqaale oo badan leh haddana dadka dhallinyarada ah aanay haysan shaqooyin halka kuwa kooban ee shaqeeyana ay ka shaqeeyaan shaqooyin aad u hooseeya sida hadalka loo dhigay.
50% Dhallinyarada Kenya waxa ay arrintaan u sababaynayaan Musuq, Deymaha oo sii kordhaya iyo hibada Abuurkooda oo la hortaagan tahay arrimo siyaasadeed oo ka timid dhinaca dadka siyaasiyiinta ah sida xogta lagu muujiyay.
Kharashka nolosha wuu sii kacayaa, halka aanay jirin dhaqaale dheeraad ah oo soo galaya Dhallinyarada oo intooda badan waqti ku bixiyay Waxbarashada waana tan keentay in cabashadooda ay bannaanka usoo baxdo.
Dowladda Kenya ayaa la sheegay in 70% lacagaha kasoo gala Canshuuraha ay ku bixiso deymaha lagu leeyahay, halka 30% ay ku dabarto Waxbarashada, Isbitaallada & Barnaamijyada kale ee Dowladda sida xogaha la helayo ka muuqda.
Tani waxa ay abuurtay guux siyaasadeed oo Bulshada dhexdeeda ah, Warbaahinta gudaha Kenya ayaa qudheeda billowday in ay daabacdo Maqaallada ku saabsan tabashada dhallinyarada si ay uga falceliyaan dhibaatooyinkaan jira.
Mustaqbal
