MW Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furaya shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furaya shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay ka qaybgalayaan culimo dalka iyo dibadda isaga kala timid.

Shirka waxaa sanadkaan looga hadlayaa dhibaatooyinka jira iyo sida looga gudbi karo tusaale ahaan Abaaraha, Colaadaha & midnimo la’aanta, waxaana la dhagaysan doonnaa khudbadaha Madaxweynaha iyo Culimada muddada 4ta cisho uu socon doonno.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Shirkaan, waxaana gunaanadka lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed muujinaya qodobada kasoo baxa Shirkaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DG Puntland oo sheegtay in ay xirtay Rag & Dumar katirsan Daacish

Read Next

Dhallinyarada Kenya ee da’doodu u dhaxeysa 18-34 waa shaqo la’aan 50%