Militariga Guinea-Bissau oo dib u dhigay waqtiga uu Xukunka ku wareejinayo Rayidka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale waxa ay Isutagga Imaaraarka Carabta uga digtay faragelinta uu dalka ku hayo, waxaana ay soo bandhigtay caddeymaha faragelintaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in Imaaraatka uu dhibaatooyin kala duwan uu dalka ku hayo sidaas awgeed ay uga digayaan faragelinta uu ku hayo Soomaaliya oo jartay xiriirkii kala dhaxeeyay.
Waxa uu intaas ku daray in aan la aqbali karin xadgudubyada caddeymahooda la hayo ee Isutagga Imaaraarka Carabta ku hayo Dalka isaga oo si sharci darro ah saldhigyo Ciidan uga furtay Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiisyo ay kol hore la gashay Imaaraatka, waxaa xigay eedeymo culus oo loo jeediyay iyada oo ugu dambeyn lasoo bandhigay caddeymo muujinaya saldhigyada uu dalkaas ka samaystay maamullada Waqooyi Galbeed iyo Puntland.
Mustaqbal
