Turkiga oo si adag u cambaareeyay weerarkii Xuutiyiinta ku qaadeen xarunta dhaqaalaha Riyadh
Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen xarunta dhaqaalaha ee King Abdullah Financial District, oo ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudi Carabiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa bayaan ay Arbacadii soo saartay ku sheegtay inay si xooggan u cambaareyneyso weerarka dhacay Talaadadii, kaas oo lala beegsaday xarunta dhaqaalaha ee Riyadh.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii ay Xuutiyiintu Talaadadii ku qaadeen xarunta King Abdullah Financial District ee magaalada Riyadh, caasimadda Sacuudi Carabiya, waxaana dhaawacyada soo gaaray dadka ku waxyeelloobay u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay garab istaaggiisa Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee ka jira gobolka Bariga Dhexe.
Mustaqbal
