Soomaaliya oo war ka soo saartay shil ka dhacay dalka Masar

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tacsiyeeyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari shidaal qaada oo ku sugnaa deegaanka Al-Warraq ee gobolka Giza dalka Masar.

Soomaaliya ayaa xustay in ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Masar ee dhibaatada soo gaartay.

Dhimashada Shilkaan ayaa gaartay 30 ruux, halka dhaawacana intaasi ka sii badan tahay.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Shacabka oo kulamadiis ku soo kordhiyay Luuqadda Suuldhabaaleynta