IMF oo Dalka Guinea amaahinaysa $425 Milyan

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Dalka Guinea u ogolaatay in deyn ahaan loo siiyo lacag dhan $425 Milyan oo Doollar si loogu xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha Dalkaas oo culays maaliyadeed dareemaya sida warka loo dhigay.

IMF ayaa lacagtaas ku bixinaysa muddo 3 sano ah iyada oo loo dejiyay jadwalka bixinta lacagtaas si loo garab istaago Dalka Guinea sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Lacagta Adduunka.

Dalka Guinea waxa uu dhacaa Galbeedka Qaaradda Afrika, dhaqaale xumo xooggan ayaa dalkaas ka jirta waxaana cabasho arrintaas ka keenay Dadka Dalkaas oo Dowladdooda ka dalbaday in ay isbaddel degdeg ah samayso.

Guinea waxa uu ku tiirsan yahay shan dhinac oo kala ah: Beeraha, Macdanta, Kalluumaysiga, Birta iyo Dahabka la qoto waxaana culays la yimid dhammaan ilahaas dhaqaale ee muhiimka u ahaa Sida ay ku warrameen qaar kamid ah Dadka Dalkaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

XFS oo wax ka baddel ku samaysay Shuruudaha uu Urur siyaasadeed ku noqon karo Xisbi Qaran

Read Next

Dowladda Suudaan oo diiday gogosha uu Abiy Ahmed dhigay Addis Ababa