Militariga Guinea-Bissau oo dib u dhigay waqtiga uu Xukunka ku wareejinayo Rayidka
Maamulka Puntland ayaa ciidamo Booliis ah dhigay waddooyinka Magaalada Garoowe si ay uga hortagaan dibadbaxyo ay dhigayaan Dad Shacab ah oo cabasho ka ah qiima kororta Korontada, Biyaha iyo sicirka ka jira Magaaladaas.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Dowlad Goboleedka ee gaar ahaab kuwa Garoowe ayaa digniin u diray dadka Shacabka ah ee wada abaabulka dibadbaxa iyaga oo ku goodiyay in ay xabsi dhigayaan qofkii ay qabtaan Ciidamada.
Shacabka Garoowe oo qaarkood muuqaallo ay iska duubeen soo dhigay Baraha Bulshada ayaa sheegay in shirkadaha Korontada iyo Biyaha ay kusoo dallaceen lacago badan oo aanay awoodin inay bixiyaan lacagahaas.
Gaadiidka Shabaqlaha loo yaqaan ee Booliisla Garoowe ayaa la soo dhigay Bartamaha Magaaladaas kuwaas oo loogu talagalay in lagu daadgureeyo Dadka dibadbaxaya ee cabashada qaba.
Mustaqbal
