Militariga Guinea-Bissau oo dib u dhigay waqtiga uu Xukunka ku wareejinayo Rayidka
Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Suuriya ayaa sheegtay in labo kamid ah Ciidankaas lagu dilay Gobolka Dircaa iyada oo aan la aqoonsan kooxdaas dilka gaysatay sida lagu sheegay war goordhaw kasoo baxay.
Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in lagu raad joogo kooxdaas iyada oo aanay jirin faahfaahin intaas ka baxsan oo ay kasoo saartay baaritaannada ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka. Maamulka Gobolka Dircaa ayaa ku goodiyay in uu qaadayo tallaab jawaab u ah ficilkaas.
Waxaa jira tuhun muujinaya in kooxda dilka gaysatay ay u baxsatay dhinaca Dalka Urdun inkasta oo aanay jirin eedeymo dhammaystiran oo dhinaca Suuriya kasoo yeeray oo dhinacaas kale loo jeediyay.
Goobta uu weerarka ka dhacay oo ah miyi waxaan suuragalin in si degdeg ah looga daba tago kooxaha weerarkaas ku dilay labada Askari ee baxsaday, kuwaas oo aqoon u leh deegaanka marka la eego qaabka ay u baxsadeen.
Mustaqbal
