DFS oo cambaaraysay weerarro ka dhacay Nigeria oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarro ka dhacay Gobolka Zamfara ee Nigeria oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah isla markaana lagu afduubtay Haween iyo Carruur sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Soomaaliya ayaa garab istaag u samaysay dhiggeeda Nigeria iyada oo sheegtay in ay cambaaraynayso falalkaas oo ka dhan ah bani aadamnimada, dadka dhaawacmay ayay u rajaysay caafimaad halka kuwa la qafaashayna ay u rajaysay in ay dib xorriyaddooda u helaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dhacdadaan cambaareeyay Midowga Afrika, waxa uu soo jeediyay in si wadajir ah loogu istaago kahortagga halista kusii kordhaysa dalka Nigeria si loo badbaadiyo Dadka ka badqaba dhibaatooyinkaas kuwa lamidka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo billaabay in uu ciidankiisa kala baxo Suuriya

Read Next

Cirro oo cadaadis xooggan kala kulmaya qarinta heshiiskii uu la galay Israa’iil