Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed CabdullaahI Cirro ayaa culays xooggan kala kulmaya Shacabka iyo mas’uuliyiinta Maamulkiisa kuwaas oo hordhigay in uu soo bandhigo heshiiskii uu sheegay in uu la galay Israa’iil.
Guux siyaasadeed oo ka dhan ah heshiiskaas ayaa kasoo ifbaxaya qaybo kala duwan oo ah deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed, Shacab iyo mas’uuliyiin waxa ay doonayaan in loosoo bandhigo heshiiskaas oo Xukuumadda Cirro ay qarinayso.
Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa marar badan isku dayay in uu Dadka kala hadlo heshiiskaas si uu uga dhigo in uu yahay mid togan balse shaki xooggan ayaa dul koray markii xubno uu kamid yahay Madaxweyne hore Muuse Biixi ay dalbadeen in lasoo bandhigo.
Warbaahinta Israa’iil iyo mas’uuliyiintooda ayaa horay u sheegay in Cirro in ay kula heshiiyeen saldhigyo Militari in ay halkaas ka samaystaan, kamid noqoshada heshiiska Abraham & in Falastiniiyiin si qasab ah loo masaafurinayo la gaynayo Waqooyi Galbeed.
Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhammaan sheegashada Israa’iil beenisay inkasta oo aanay soo bandhigin heshiiska oo qoran oo lawada arki karo, waxa ay tani abuurtay shaki kale oo la xiriira in Xukuumaddu ay qarinayso waxyaabo kale oo ka badan inta la sheegay.
Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa xukuumadda Cirro ka dalbaday in ay soo bandhigto heshiisyada ay la gashay Israa’iil, waxa uu dadka dib u xusuusiyay hadalladii Cirro uu ku diidanaa heshiiskii Xukuumaddii Siinlaanyo la gashay Shirkadda DR WORLD.
Culimo, Aqoonyahanno, Duubad dhaqameed iyo dad kale ayaa Shacabka Maamulka Waqooyi Galbeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in loo sacabo tumo heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Xukuumadda Cirro la gashay Maamulka dhiigga badan daadiyay ee Netanyahu.
Haddaba, maxaa sababay in Xukuumadda Cirro ay qariso soo bandhigista heshiiskaas halka Israa’iil ay bannaanka la taagan tahay waxa ay isku afgarteen?
Mustaqbal
