Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Madaxweynaha Dowlad Golaeedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Ilyas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee maamulkaas ayaa diiradda waxaa lagu saaray Siyaasadeed iyo Amni ee Soomaaliya, Arrimaha gudaha ee Puntland sida ladagaalanka Daacish, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland iyo mashaariicda horumarin ee UK ay ku fuliso Puntland.
Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Gobaleedka Puntland soo gaarsiisay deeq isugu jirta Daawooyin iyo Agab caafimaad, oo ay ku taageertay Hawlgalka ka dhanka Daacish ee Puntland oo hadda ka socda buuralayda Calmiskaad.
Maamulka Puntland ayaa hadda dagaal ka dhan ah Daacish ka wada Buuraha Calmiskaad, kaas oo soo bilowday sanadkii hore, ciidanka maamulkaas ayaa ku guuleystay qabashada deegaano dhowr ah.
Mustaqbal
