Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.
Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka.
Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka ayaa kala ah:-
1. Dr. Cabdinuur Maxamud Guddoomiyaha Guddiga
2. Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga
3. Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed
4. Dr. Axmed Adam Maxamed
5. Dr. Roble Ibrahim Liban
6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar
7. Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi)
8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif
9. Dr. Cabdiwahab Ali Mumin
10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman
11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi
12. Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub
13. Dr. Maxamad Ibraahim Nuur
14. Dr. Maxaamuud Yusuf Garre
15. Dr. Nadiifa Sheekh Cumar
Dhinaca kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hey’adaha dowladda iyo sida loo waafajinayo shuruudaha xeerka kala xadeynta.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qeybo kamid ah dalka, iyada oo lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh.
Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu bogaadiyey horumarinta iyo tayeynta ay ku sameysay adeegga Xajka, taas oo keentay in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gasho dalalka sida ugu wanaagsan ugu adeegay Xujeydooda.
Mustaqbal
