War kasoo baxay Laamaha ammaanka ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in ‘AS’ ay diyaarisay qorshe cusub oo ka dhan ah ‘Amniga Deegaannada Dowlad-Deegaankaas’ iyaga oo iska hor keenna Beelaha si ay ugu dhex dhuuntaan.
Digniinta Xafsiika Nabadgalyada ee Dowlad-Deegaanka ayaa si gaar ah loogu wargeliyay Shacabka in ay ka fogaadaan wax weliba oo keeni kara summadaha ay raadjoogaan Hay’adaha ammanka deegaankaas sida hadalka loo dhigay.
Iska hor keenidda beelaha si gaar ah deegaannada dhaca Xadka waa qorshaha ay Laamaha ammaanka DDS sheegeen in ‘AS’ ku baddeshay dagaalkii tooska ah oo ay ku guuldareysatay in ay gudaha ugu gasho sida warka lagu yiri.
“Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Nabadgalyada DDS.
Xubno katirsan ‘AS’ ayaa bishii Sebteembar sanadkii 2023kii weeraray qaybo kamid ah Dowlad-Deegaanka Soomaalida, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sare loo qaaday amniga iyada oo baaris adag la mariyo Gaadiidka u tallaaba dowlad-Deegaankaas.
Mustaqbal
