Howlgalka cusub ee AUSSOM ee lagu baddelay ATMIS ayaa sanadkaan cusub 2025 u dhaqaaqaya howlgallo ka duwan sanadihii hore, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo warsaxaafadeed soosaaray ayaa bogaadiyay isbaddelka cusub ee Dalka ka jira.
Waxa uu ugu horreyn sanadkaan cusub sheegay in ay kordhinayaan taageerrada howlgalka Midowga Afrika uu siiyo Dowladda Federaalka si loo saldhigo qorshaha lagu xoojinayo amniga iyo ka gungaarista fursadaha dhaqaalaha ee la hiigsanayo.
Guulaha muhiimka ah uu dib ugu laabtay in ay Soomaaliya gaartay sanadkii lasoo dhaafay waxa uu kasoo qaatay ku biiristii Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka iyo kuwo kale oo carrabka ku adkeeyay.
“Innaga oo ka duuleyno qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2767 waxaa si rasmi ah u billowday maalintii koowaad ee howlgalka AUSSOM iyada oo laga soo guuray kan ATMIS ee idlaaday 31kii Deseembar 2024, Waxa aan garab taaganahay Soomaaliya ilaa ay ka xaqiijiso guulaha dhinaca Amniga si buuxda” ayuu yiri Danjire Mohamed El-Amine Souef.
Howlgalka AUSSOM ayaa ka shaqo duwanaan doonna waxaana kusoo biiraya ciidamo cusub halka qaar kale oo ATMIS qayb ka ahaayeen ay ka baxayaan, siyaasadda lagu hagayo ayaa awooddeeda loo gacangeliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
