David Luiz: “Willian waa uu jecel yahay Chelsea mana doonayo inuu katago”

Daafaca Chelsea David Luiz ayaa carabka ku adkeeyay in ciyaaryahanka Willian uusan waligiis ka tagi doonin wuuna ku faraxsanyahay  nolosha Stamford Bridge.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa lala xiriirinayay Willian tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, halka Jose Mourinho dhawaan uu kuso biiray loolanka laacibkan.

29 jirkaan ayaa isku dayay inuu ka hadlo mustaqbalkiisa West London, si kastaba ha ahaatee, Luiz ayaa ka hadlay xaalada xidigan isagoona carabka ku dhuftay in Wiliam uu san meelna uga socon Chelsea.

“Marnaba kama tagi doono isaga Chelsea waayo waa uu jecelyahay waan la kulmay waa sxb ii dhaw wuxuuna ii sheegay inuu doonayo wali inuu nala sii joogo halkaana waxaa iga cadaatay in Wiliam uu aad u jecelyahay Chelsea ayuu yiri Luiz.

Willian ayaa Chelsea u dhaliyay 13 gool oo Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay  halka uu caawiye ka ahaa todoba kale.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Diyaarado saaka lagu arkay duleedka Balcad iyo dadka degaanka oo Barkacaya

Read Next

Man United Oo diiday in Barca ay ka iibiso Pogba.