Diyaarado saaka lagu arkay duleedka Balcad iyo dadka degaanka oo Barkacaya

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Daniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal ka wadaan degaankaas iyo degaannada ku dhow dhow.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Daniga oo 15km dhinaca Koofur Bari ka xiga degmada Balcad ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladda ay hadda joogaan Tuulada Buulo oo 7km u jirta Daniga dhinaca kalena 8km u jirta Degmada Balcad.

Dadka degaanka Daniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saaka ka barakacaya degaankaas iyaga oo qaarkood dhinaca Degmada Afgooye u barakacay halka kuwo kalena ay Doon uga gudbeen degaanka Walamoow ee Wabiga Shabeelle iyaga oo dhinaca Muqdisho u gudbay.

Goobjooge ka mid ah Dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in cabsida ugu badan ay ka qabaan diyaarado degaanka dul heehaabaya,taas oo sababtay in inta badan degaankaas saaka laga saaro Haweenka iyo Carruurta.

Sidoo kale Baraka waxaa uu ka jiraa degaanka Basra oo aan ka fogeyn Degaanka Daniga halkaas oo iyana Wabiga saaran,waxaana Dadka ay ku barakacayaan Doon waa kuwa dhinaca Muqdisho u socda halka kuwo kalena ee Afgooye ay Gaadiid caadi ah ku barakacayaan.

Ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo sheegaya waxa laga damacsan yahay howlgalka saaka ay Ciidamada dowladda ka billaabeen degaannadaas.

Maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab ayaa duqeyn ka geysanayay degmada Balcad,waxaana maamulka ay sheegayeen in Hoobiyayaasha ay Al-shabaab ka tuurayeen duleedka Balcad oo ah degaannada uu hadda howlgalka ka socdo.

Mustaqbal media

Read Previous

Hirshabelle: Jalalaqsi Commissioner and Elders accused Corruption for Minister of Health

Read Next

David Luiz: “Willian waa uu jecel yahay Chelsea mana doonayo inuu katago”