Darawal lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho

Nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Hilowle, ahaana darawal ayaa saaka lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay oo ay wadafadhiyeen dad kale Garaash gaadiidka la dhigto oo ku yaal meel ku dhow Hotel Lafweyn ayaa lagu dilay Bastoolad kaddibna qofkii dilka geystay ayaa cararay, ciidanka saldhigga degmada Kaaraan ee Muqdisho oo goobta tegey saacad kaddib markii dilku dhacay ayaa qabtay oo xiray laba qof oo dhallinyaro ah.

Khamiistii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo Madax ka ahaa Sharikadda Startup Grind ayaa koox hubeysan waxaa ay ku dileen Agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka nabadgelyada ayaa goobaha ay dilalku ka dhacan waxa ya tagaan xilli dambe oo dilku dhacay dadkii geystana ay baxsadeen iyaga oo dadka rayidka ah ee aaggaas maraya qabta.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Hirshabelle Pres  calls Somalia Government peaceful end to diplomatic Row with Djibouti

Read Next

Djibouti rejects court ruling over port row with Dubai