Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay deegaanka Wargaadhi oo dhaca duuleedka magaalo xeebeedka ee Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan, ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhigga Wargaadhi oo ah Saldhigga ugu weyn ee ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha dhexe, kaas oo laga maamulo dagaalka ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wargaadhi ayaa sheegaya in hubka nuucyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday, kaas oo laga maqlay dhammaan deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya warsaxaafadeed kooban ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in Al-Shabaab dagaalka looga adkaaday, iyada oo laga dilay xubno ka tirsan kuwa weerarka soo qaaday.
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in ciidaganka dowladda ay guul ka gaareyn, “Khawaarijta Maydkooda ayaa daadsan Wargaadhi, Insha Allaah Dalkaan Khawaarij kuma lahan Mustaqbal, ismaqiiqoodu waa xunbo idamka Alle.”
Saldhiggaan Saaka la wareeray ayaa fariisin waxa uu u ahaa ciidanka sida kaarga u tababaran Mareykanka ee Danab iyo Turkiga ee Gorgor, kuwaas oo hoos yimaada ciidanka Xoogga dalka.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ciidanka dowladda ay todobaadkii hore isaga soo baxeen deegaanno muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal iyo Aboorey, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.
Mustaqbal
