Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Iyadoo ay sii kordhayso tirada dadka Soomaaliyeed ee la ildaran xanuunnada kilyaha, ayaa Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay noqotay tiir muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed u taagan, gaar ahaan dhinaca daryeelka caafimaadka dadka danyarta ah.
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusman, ayaa sheegay in tirada dadka ay hay’addu u qabato adeegga kilya dhaqista ay korortay sanadihii ugu dambeeyay.
Waxa uu tilmaamay in markii hore qorshahoodu u ahaa in la taageero ugu badnaan 20 qof, balse hadda ay gaarayaan 170 bukaan iyo ka badan.
“Qorshihii hore wuxuu ahaa in aan kilya dhaqis u sameyno 10 ilaa 20 qof ugu badnaan. Dhammaan bukaannadan waxa aan u dirnaa isbitaalka Daaru Salaam, halkaas oo lagu sameeyo kilya dhaqista. Qarashaadka daaweyntooda bishii wuxuu u dhexeeyaa $500 ilaa $600 qofkiiba, waxaana dhammaan kharashaadkaas bixisa Hormuud Salaam Foundation. Sanadkan, lacagta ku baxsa kilya dhaqista dadkaas waxay ka badnaan doontaa $1,000,000” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Nuur
Bukaannada ka faa’iideystay taageerada caafimaad ee Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa ka hadlay dareenkooda, iyaga oo sheegay in xaaladooda caafimaad ka soo hagaageyso sidii hore.
“Anniga oo neefta igu ceshan tahay oo aan neefsan karin ayaa baaris la iigu sameeyay Isbitaalka Daaruslaam, isbuucii hal mar ayaa la I dhaqi jiray dhaqaale igu filan ma heysan, Wiil aan abti u ahay ayaa igu soo xiray Hormuud, hadda caafimaad ayaan dareemaya” ayuu yiri Cabdirisaaq Macalin.
“Kaadida ayaa igu adkeyd, mudda la I dhaqaayay kilyaha, ka dib Hormuud Salaam Foundation waxaa ay ugu yiraahdeen waad caafimaaday, wixii kale nala soo xiriir” ayuu yiri Maxamed Xasan oo kamid ah Bukaannada ka faa’iideystay Taageerada Hay’adda.
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kamid ah hay’addaha kheyriga ah ee ka qeyb qaata taageerada Bulshada Soomaaliyeed sida dhinacyada arrimaha gargaarka, taakuleynta dadka danta yar iyo ka hortagista Musiibooyinka.
Mustaqbal
