Puntland oo diidday in la mideeyo Aqoonsiga Qaranka iyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs)

Dowladd goboleedka Puntland ayaa waxa ay walaac ka muujisay wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’addaha Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaas oo laxiriiray in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs).

Diiwaangelintaas ayaa ah in gargaarka bani aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin heer federaal ah, iyada oo warsaxaafadeed ay soo saartay Puntland ay ku tilmaamtay in arrintaas si toos uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

“Soo-jeedimahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS), kuwaas oo si cad masuul uga ah diiwaangelinta iyo maaraynta dadka ku sugan dhulkooda”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ee DG Puntland.

Sidoo kale, Puntland ayaa ku tilmaamtay in nidaamkaas uu hoos u dhigayo qaab-dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka, “Isku day kasta oo lagu baabi inayo awoodahaan waa mid hoos u dhigaya qaab-dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka ee ku xusan Dastuurka KMG ee Soomaaliya”.  

Raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan hay’adaha Dowladda Fedelaaka Soomaaliya faray in aysan adeeg siin cid aanan qaadan Aqoonsiga Qaranka; iyada oo Puntland horay udiiday Aqoonsiga Qaranka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dagaal geystay khasaare kala duwn oo Saaka ka dhacay Saldhigga Wargaadhi

Read Next

Afhayeenka Gaashaanka DFS oo sheegay in deegaanka Wargaadhi ay gacanta ku haayaan Ciidamada dowladda