Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya
Isbitaallada Magaalada Baydhabo waxaa lagu daweynaya Dad ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay ee Magaalaas ku dhexmaray Ciidamada Federaalka oo garabsiinaya kuwa Maamulka Koofur Galbeed iyo Maleeshiyaadka Laftagareen oo kasoo horjeeday.
Maamulka Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in tan iyo khamiistii ay qaabileen 71 qof oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray, 15 kamid ah waa Haween, 12 kale Waa Carruur halka qof keliya uu u dhintay dhaawicii soo gaaray.
Qaar kamid ah ehellada Dadka dhaawacmay ayaa ku warramay in Bukaannada qaarkood ay u baahan yihiin Daryeel Caafimaad oo ka baxsan Magaalada Baydhabo sida Muqdisho maadaama dhaawacyadoodu u badan yahay kuwo culus.
Dhinaca kale waxaa Isbitaalka laga saaray dadkii dhaawacyada fududaa soo gaaray ee la daweeyay iyaga oo dib ugu laabtay guryahooda sida ay Mustaqbal Media u sheegeen ilo kala duwan oo Magaalada Baydhabo ku sugan.
Dagaallada kusoo noqnoqday Magaalada Baydhabo waxaa ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad u badan Rayidka lagu dul dagaalamay, Isbitaalka guud ee Magaaladaas waxaa lagu daweynayaa dad waqtiyo kala duwan soo dhaawacmay.
Mustaqbal
