Hay’adaha Samafalka oo ka digay in dagaallada Baydhabo ka dhaca ay sababaan Barakac cusub

Wakiillo kala duwan oo katirsan Hay’adaha Samafalka ayaa ka digay barakac cusub oo ka dhallan kara dagaallada kusoo noqnoqday Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiin katirsan dhowr Hay’ado oo arrimaha Bani aadamnimada ka shaqeeya ayaa sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee Baydhabo ka dhacay ay sababeen Dhimasho, dhaawac iyo cabsi dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay.

Waxa ay ka digeen sii xooggaysiga colaadaha iyo caga-juglaynta dhinacyada ku loolamaya siyaasadda ee ku xifaaltamaya gacan ku haynta Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar u ah Maamulka Koofur Galbeed.

Hay’aduhu waxa ay carrabka ku dhufteen in ay jiraan qoysas ka barakacay Magaalada Baydhabo balse ma aysan sheegin tiradooda inta ay gaarsiisan tahay, meelaha ay degeen iyo xaaladda dhabta ah ay ku nool yihiin inkasta oo tirakoob uu ku socdo.

Taliska Booliiska Magaalada Baydhabo ayaa dhowaan sheegay in qoysaska ka barakacay Magaaladaas ay yihiin Xaasaska AS gaar ahaan xubnaha raacay Laftagareen oo ay ku eedeeyeen in ay ku milmeen AS sida hadalka loo dhiga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Qaramada Midoobay oo u codaysay Qariirad cusub oo Afrika leedahay

Read Next

Dad rayid ah oo ku dhaawacmay Dagaalladii ka dhacay Baydhabo oo lagu daweynayo goobaha Caafimaadka Magaaladaas