MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Ugu yaraan sagaal qof oo rakaab ah ayaa la xaqiijiyey in la dilay kaddib markii rag hubeysan ay afduubeen dad saarnaa basas safar ku jiray, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda gobolka Balochistan.
Afhayeenka dowladda gobolka, Shahid Rind, ayaa sheegay in rakaabka laga dejiyey dhowr bas habeenimadii Khamiista, xilli ay ku sii jeedeen gobolka Punjab, iyaga ka soo baxay Balochistan.
Sida ay sheegeen masuuliyiintu, dadka la afduubtay waxaa la rumeysan yahay in lagu beegsaday sababo la xiriira qowmiyaddooda, iyagoo u badnaa dad kasoo jeeda Punjab.
Meydadka dadka la dilay ayaa lagu helay buuraleyda gobolka, waxaana la sheegay inay leeyihiin dhaawacyo rasaas ah, sida uu xaqiijiyey mas’uul kale oo dowladda ka tirsan oo lagu magacaabo Naveed Alam.
Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo sheegay in dambigan aan laga aamusin doonin.
Ra’iisul Wasaare Sharif ayaa eedda dusha ka saaray kooxaha ay taageerto dowladda Hindiya.
“Dhiigga dadka rayidka ah laguma dhaafi doono. Dilka muwaadiniinta aan waxba galabsan waa fal argagixiso oo furan oo ay fuliyeen kooxo ay taageerto Hindiya.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.
Weli wax war ah kama soo bixin dowladda Hindiya oo ku saabsan eedeymahaas. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.
Mustaqbal
