Dab qabsaday qeybta Keydka Hadalka ee Radio Muqdisho

Dab ayaa ka kacay qeybta Keydka Hadalka ee Radio Muqdisho sida uu bartiisa Facebook ku qoray Agaasimaha Radio Muqdisho C/Fitaax Daahir Jeyte.

Jeyte waxaa uu sheegay in daminta dabkaas lagu guuleystay islamrkaana ay hadda tirakoob ku hayaan cajaladaha uu dabka saameeyay.

Waxaa uu u mahad celiyey qeybta Dab damiska Gobolka Banaadir oo uu sheegay in daqiiqado gudahood ay ku damiyeen dabka oo sida uu sheegay koronto ka dhashay.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya Govt to spearhead dialogue between Borana and Somali elders

Read Next

Muqdisho: Taliyayaal Boolis oo xilka laga qaaday