Claudio Bravo oo mudo dheer garoomada ka maqnaanaya Sabab?

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in goolhayaha kooxda Man City ee Claudio Bravo uu garoomada ka maqanaan doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib dhaawac xun oo ka soo gaaray tababarka kooxdiisa.

Goolhayaha reer chile ayaa ka maqnaa tababarkii Shalay ee kooxdiisa xilli ay ilo wareedyo ku dhaw kooxdu sheegayaan in uu Goolhayuhu garoomada ka maqnaan karo muddo bilo ah.

Wargayska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Man City doonayso in ay dib u soo celiso Goolhayaha da,yarka ah ee amaahda uga maqan kooxda ee Arijanet Muric.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha da,yarka ah ee Arijanet Muric ayaa noqon doona xal ku meel gaadh ah inta uu xidhan yahay suuqu iyada oo Goolhaye u dhaqaaqi doona marka uu furmo suuqa January.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Itoobiya oo warqad lagu soo xirayo u jartay madaxii hore ee sirdoonka dalkaas.

Read Next

Miralem Pjanic oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Kooxdiisa Juventus.