Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay warqad lagu soo xirayo u jartay Madaxii hore ee sirdoonka Itoobiya Ninka lagu magacaabo Getachew assefa.
Getachew assefa,ayaan ku jirin kulankii Xisbiga talada haya ee EPRDF ,waxaa sidoo kale la sheegayaa in muddo bil ah aan bartiisa la arag.
Warbaahinta qaar ee dalka Itoobiya ayaa qoraya in uu u baxsaday dhinaca Dalka Suudaan,isaga oo muddo ku sugnaa Gobolka Tigray ee uu ka soo jeedo.
Bilo ka hor ayaa la sheegayaa in qoyskiisa uu dibadda u dirsaday isaguna hadda ka baxsaday Dalka Itoobiya,sidaasna dowladda ku raadineyso in ay xirto.
Eedaha loo heysto waxaa ka mid ah Xiri xirid,jirdil, dil toos ah iyo ku tumashada awoodda iyo meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.
Ra’isalwasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa markii la magacaabay waxaa uu isbeddel ku sameeyay Hay’adaha amaanka dalka,waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Itoobiya.
Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ahaa dadkii sida aadka ah ugu eedeeyay Getachew assefa, dambiyada lagu heysto oo ay ka mid ahayd faragelin maamulkiisa ahayd.
Isha:.tesfanews
