Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Toora-Toorow ee G/Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa goordhow la wareegay deegaanka Toor-Toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

War goor dhaw lagu daacay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Dana ay la wareegeen deegaanka Toora-Toorow iyo Degaana hoostaga isla markaana wali howl galku socdo.

“Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha hoose iyo deegaano kale oo hoos taga sidoo kale waxaa ay ciidanku gacanta ku dhigeen horjoogihii ugu sareeyay maxkamadda argagixisada ee deegaankaas” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

Saraakiisha Dowladda ayaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al shabaab u qaabilsanaa Maxkamada deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka waxaa lagu sheegay sidoo kale in Ciidamo ay bur buriyeen saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Toora-Toorow iyo deegaano kale oo hoos yimaada.

“Ciidamada weli waxa ay wadaan howlgalka iyadoo la bur burinayo xarumihii argagixisada ay ku lahaayeen Tooratoorow” Ayaa lagu soo Xiray warka lagu daabacay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Al shabaab oo Maxkamad ku lahaa deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose kama aysan hadlin weerarka ay Dowlada Faderaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay kula wareegtay deegaanka Toora-Toorow.

News Editor

Read Previous

Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta hortagay Golaha Aqalka Sare.

Read Next

Xilliga ay dhacayso doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay.