Ciidanka Koofiya casta oo afar qof ku xiray Afgooye

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidanada Koofiya casta ee Degmadaas u tagay safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ay xireen afar qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Xubno ka mid ah Maamulka Degmada Afgooye ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dadka la xiray uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan Al-shabaab hayeeshee aysan iyaga ka hadli karin,howshaasna u taallo Ciidamada Koofi casta ee Magaalada hadda ku sugan.

Safarka Madaxweynaha oo la filayay in uu saaka tago yaa la sheegayaa in dib loo dhigay islamarkaana la gaarsiiyay ilaa galabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu Magaalada Afgooye kula kulmi doonaa Odayaasha dhaqanka,Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mustaqbal media

Read Previous

Xoghaye Raabbi oo Mustaqbal uga warramay wixii uu kula kulmay Garoonka Muqdisho, dhegeysi

Read Next

Everton oo 30 milyan oo ginni ku dooneyso Marcos Rojo.