Everton oo 30 milyan oo ginni ku dooneyso Marcos Rojo.

 Tababaraha Everton Marco Silva ayaa quudareynaya inu kooxda keeno Rojo oo gadood ka ah Manchester United wuxuuna ku doonayaa aduun dhan 30 milyan ginni ah.

Silva waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay 28 jirkaan waxaana uuna ku qancinayaa inuu kula soo biro kooxda Everton.

Ka dib Koobkii Adduunka, Rojo ayaa fasax ku qaatay Mexico, laakiin wuxuu ku laabtay tababarka Manchester Isbuucii lasoo dhaafay, isagoo seegay safarkii Mareykanka.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud ka soo gaaray Koobka Adduunka, laakiin qaar badan ayaa aaminsan in sababta ugu weyn ee uu uga hadli lahaa mustaqbalkiisa Manchester United.

Rojo oo dhawaan ka hadlay wararka sheegaya inuu sii jogayo kooxda Unitedka ayaa sheegay iney sura galtahay inuu isaga dhaqaaqo kooxda United-ka.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Ciidanka Koofiya casta oo afar qof ku xiray Afgooye

Read Next

Porous Somalia border costing Kenya $20m yearly