MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Ciidamo ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ayaa gaarey magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka socdaan abaabulka howlgallo ka dhan ah AS.
Saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin hoggaamineysa ciidamadan ayaa sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka AS ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada, iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan.
Ciidanka ayaa la filayaa in ay xoojiyaan askarta dowladda iyo kuwa deegaanka ee dhawaan ka soo baxay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale, magaalada Maxaas waxaa ku sugan madax heer gobol iyo Federaal, kuwaasi oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.
Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka AS.
Mustaqbal
