Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Dagaalkaan ayaa ka dhacay Saldhigga Magaalada Baladweyne oo tan iyo shalay isku hor fadhiyeen Ciidamada Hir-Shabeelle iyo Maleeshiyo Beeleed uu kasoo jeeday Wade Bajaaj oo shalay la dilay.
Askari katirsan Ciidamada Hir-Shabeelle ayaa geystay Dilka Darawalka, dilka kadib ayuu baxsaday inkastoo markii dambe gacanta lagu soo dhigay.
Ciidamada ayaa ku xiray Saldhigga Booliiska, Maleeshiyada ku heebta ah Wadihii la dilay ayaa dalbaday in loo gacan geliyo Askariga dilka geystay, balse Saraakiisha Ciidamada ayaa kahor yimid dalabka Maleeshiyaadka.
Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa geeriyooday, afar kalena wey dhaawacmeen kadib iska hor imaad Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Baladweyne.
Maamulka Gobolka Hiiraan, kan Magaalada Baladweyne iyo Odoyaasha Dhaqanka ayaa ku baxay Dagaalka si ay u joojiyaan si aan ugu sii faafin Xaafadaha Magaalada Baladweyne.
