Dhageyso:- Maxaa ka jira in Madaxweyne Cagjar uu Qalbi Dhagax Xil u Magacaabay?

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu xilalkii kaga qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Liyuu Boolis iyo Asluubta, isagoona oo Shaqsiyaad cusub u Magacaabay.

Madaxweyne Cagjar ayaa u Magacaabey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalida Itoobiya Janeraal Maxamed Yare Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Liyuu Boolis Korneel Maxamed Cabdi Mowzar.

Waxa uu sidoo kale sameeyay Magacaabista Taliyaashaan oo si dhaw uga soo shaqeeyay Dowlad Deegaanka.

Taliyaha Ciidamada Asluubta waxa uu u magacaabay Korneel CabdiKariin Sheekh Muuse, Taliyaha Sirdoonka Muqtaar Sheekh Xuseen Amiin, Halka Duqa Magaalada Jigjiga uu Magacaabay Garaad Cumar Dool Xersi.

Madaxweyne Mustafa ayaa Wasiirka xafiiska Madaxtooyada u Magacaabay Khadar Jikre oo kamid ah Xubnaha ay isku dhaw yihiin.

Baraha Bulshada waxaa la hadal hayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta oo loo Magacabay nin ku Magac ah Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in aan ka qayb aheyn Maamulka Mustafa Cagjar, waxa uuna sheegay in Taliyaha Ciidamada Asluubta ay Magaca Wadaagaan Qalbi Dhagax balse aanu aheyn.

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidamada Hir-Shabeelle iyo Maleeshiyo Beeleed oo Maanta ku dagaalamay Baladweyne.

Read Next

More than a dozen ethnic Somalis killed in fresh cross-border attacks by Oromo Militias