Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Maamulka Soomaalida waxaa Maanta la geeyay Meydadka Haween, Carruur iyo dad da’ ah oo dil Wadareed ay u geysteen Maleeshiyaad katirsan Qowmiyadda Oromada.
Dadkaan ayaa gaarayay 15 qof, waxaana lagu dilay Deegaanka Tuli-Guuleed, waxa ayna ahaayeen Dad Reer miyi ah.
Isbitaalka Magaalada Jigjiga oo la geeyay Meydadka dadkaan waxaa buux dhaafiyay Soomaalida Jigjiga, waxaana durba goobta ka bilawday dibadbax ay sameeyeen dadkii arkay Meydadka.
Dadka ayaa Madaxa ku xirtay Calal Gaduudan (Maryo) oo ay sheegeen in ay ugu baroordiiqayaan dadkii la dilay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaalida iyo kuwo katirsan Militariga Federaalka Itoobiya ayaa isku dayay in ay dadka hor istaagaan si aan gudaha isbitaalka u buuxin.
Dadka ayaa marba marka dambeyso sii kordhayay, waxa ayna markii dambe saraakiisha u sheegeen in ay dib ugu laabtaan Goobihii ay ka yimaadeen, baaritaanada dadka dil wadareedka loo geystayna ay baarayaan.
Dibadbaxyaasha ayaa isugu tagay Barxad ka fog Isbitaalka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dadka Oromada ee dilkaa geystay.
Colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa saameynta ugu badan ku yeelatay dadka labada dhinac ee ka madax banaan Dagaalada balse Aargoosiga loogu dilo Tuulooyinka ay ku nool yihin.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Bartamihii Bishaan August sheegay in ay Gacan ku qaban doonaan Maleeshiyaadka Soomaalida iyo Oromada ee dilalka Aanooyinka ah geysta.




