Ciidamada Dowladda oo xalay Howlgal ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro ka sameeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Si gaar ah waxa ay ugu howlgaleen Xaafadaha u dhaxeeya Carwo Idko ilaa Cali Kamiin oo katirsan Degmada Warta Nabadda.

Goobo fagaare ah ayay Askarta isugu geynayeen Dhalinyarada oo baaris kadib sii deynayay qaarkood, halka kuwa ay ka shakiyaan ama ay la xiriirinayaan Al-Shabaab u qaadayay Saldhigyadooda, si ay Baaris ugu sameeyaan.

Inta howlgalka uu socday waxa ay xannibeen Ciidamada Booliiska Isku socodka Dadka iyo Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadka Deegaankaas.

Dhalinyarada waxa ay weydiinayeen su’aalo ay kamid yihiin halka ay degen yihiin, iyaga oo isugu geeyay Goobo gaar ah oo kamid ah Xaafadaha howlgalka ay ka wadeen Ciidamada Booliiska.

Qof kamid ah dhalinyaradii lagu qabtay howlgalka ayaa Mustaqbal u sheegay in goob fagaare ah la isugu geeyay, shaqsiyaadka ay waji garteen ama ay ka shakiyeen Ciidamada Dowladda ay u wateen mid kamid ah Xarumahooda Baarista.

Ciidamada ayaa dhalinyarada Xaafadaha Degmada Warta Nabadda ee howlgalka ka socday ay kasoo qabteen isugu geeyay Goob fagaare ah sida qaar kamid ah dadkii la qabtay uu Mustaqbal u sheegay.

Mustaqbal media

Read Previous

Saraakiisha Burundi ee AMISOM oo ka hadlay saameynta kunka Askari ee laga saarayo Soomaaliya.

Read Next

Al-Shabaab oo Soo bandhigay Gaari ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.