Al-Shabaab oo Soo bandhigay Gaari ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari Nuuca loo yaqaan Cabdi Bile oo ku dheggan Taarkada Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ka dhacay Duleedka Deegaanka Jaziira.

Maalmo kahor ayay sheegeen in gacanta ku dhigeen Gaarigaan, kadib dagaal ay la galeen, Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ku xiran Qoriga nuuca loo yaqaan Dhashiikaha.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay gaariga ku qabsadeen rasaas iyo qoryaha fud-fud iyo Booshashka lagu qaato Rasaasta.

27-kii bishii tagtay Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Gaari Cabdi Bile ah oo ku xiran Calanka Maamulka Jubbaland, waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal ka dhacay Jubada Hoose.

Ma jiro war kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo ay kaga hadlayaan Gaariga ay soo bandhigeen Al-Shabaab oo ay sheegteen in ay ka qabsadeen.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/s2048x2048/

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidamada Dowladda oo xalay Howlgal ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

Read Next

Trump oo ugu baaqay Ilhaan Cumar in ay is casisho