Ciidamada DFS oo xiray waddooyinka gala Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho

Suuqa Siinaay waxaa saakay dadka ku ganacsada iyo kuwa degen waaga ugu baryay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidkooda oo xiray dhammaan waddooyinka muhiimka u ah isu socodka suuqaas.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojiyay isu socodka Gaadiidka Waddada Wadnaha, waxa ay jidka ka xireen inta u dhaxeysa Afarta Jardiin ilaa Foloronsa, waxaana dadka loo diiday in ay gudaha u galaan suuqa Siinaay.

Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Gudaha Suuqa Siinaay Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho lagu dhex arkayo Gawaarida loo yaqaan Cagafta ee loo adeegsado duminta kuwaas oo burburin ku billaabay qaybo kamid ah dhismooyinka.

Labo maalin kahor ayay ahayd markii ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo qaarkood la socday Xildhibaanno xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka ay isku fadhiyeen Suuqa Siinaay si ay uga hortagaan in la dumiyo suuqaas inkasta oo markii dambe la kala qaaday ciidankaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xeer ilaalinta guud ee dalka oo ku dhawaaqday in ku dhawaad hal Milyan Dollar laga xayiray AS.

Read Next

Maxaa sababay Falcelinta culus ee ka dhalatay safiirka cusub Itoobiya ee Soomaaliya?