Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in lagala shaqeeyo la wareegida masuuliyadda amniga
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Ciidankaan sida wadajirka ah u wada howlgallaya ayaa raad jooga Xubno katirsan AS oo shalay weeraray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & Kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM.
Saraakiil katirsan Ciidanka iskaashanaya ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay kahortagga weerarrada AS ee Saldhigyada qaybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koofur Galbeed.
Dhaqdhaqaaq ciidan ee ka jira ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu yimid kaddib markii Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka AUSSOM ay billaabeen inay isaga baxaan Saldhigyadii ay muddo joogeen iyaga ku wareejiyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
